Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taarikhda Soomaaliya: qoraalki Elmi Guleed

 added 4 new photosfeeling sad.

order Kamagra Chewable online cheap, zithromax reviews.

Hadda kahor mar aan wax ka qoraayay Suldaanki Hobyo, ayaa waxaa qoraalkeyga ku jiray, in taariikhdu tahay keyd umadeed, xumo iyo samo waxey laheydba, dawladi Marxuum Siyaadna AUN ay ku khaldanaayeen iney qoraan taariikh aan isbuuxin karin, kana dhigtay taariikhdeeni mid dhutineysa oo aan laheyn macno saa u sii ridan, taasoo na gayeysiisay inaan ku faano, wax xitaa ceeb u ah qofka faanka ka doonay, sababtoo ah umad taariikhda wada saameyneysa, isku si uga faa’ideysan kara, si guudna u yeelan kara tixraac taariikheed ey kaga faa’ideysan karaan xaalka hadda ay ku suganyihiin iyo kan mustaqbalka ah, iney iyaga noqdaan kuwa aan garan muhimadda ay leedahay, waa nasiibdarro aad u weyn, waxeyna kamid tahay sababaha abuuray wejiga ay leedahay Soomaalida maanta..!

Intaa haddii aan uga haro hordhaca qoraalka, ee aan u soo dego ujeedka qormadan yar, waxaan rabaa inaan ku taabto taariikh in badan xumaheeda dad badan faan u arkay, iyadoo ujeedka yahay oo keliya faan ceebeedka aan kor ku soo sheegay iyo isriixriixa garasha xumida ay hogaamiso ee Soomaalida la dhexdhigay, keentayna in maanta, iyagoo weli sii kala go’aaya farxad iyo sacaba tun ka muuqdo..1

Waxaan inbadan maqlaa ama arkaa dad ku doodaya taariikhihi Xamar oo weliba aad uga hadla dhacdo gumeysigi Talyaaniga dhibtay oo jiif iyo harsashaba u diiday, go’aamo uu ka soo saaray ka hortageedi ey dadki la safnaa kaga raadiyay iney iyagu ahlu-bald ahaayeen, dhacdadana waxey aheyd marki la soo rogay sharcigi baandowga ahaa ee amraayay qof aan magaalada ku heysan kafiil inuusan habeenki seexan karin.

Robin Hood waa shaqsi tuug ah dhanka sharciga iyo nidaamka meel ka jiray laakin wuxuu soo dhaca siiya dadkaa liita, sida aan ku heyno taariikhdiisa iney aheyd dabayaaqdi qarnigi 13aad laakin waxaa kaloo jiray Veerappan oo taariikhdiisa mardhow aheyd ee sidaa dadka deggen Kerala iyo Tamil Nadu Caawini jiray…… laakin halyeeyadi abuuray in gumeysiga ku gami’waayo Xamar taariikhdoodi la daboolo ee amarki baandowga keliya la soo qaato waa wax laga xishoodo weliba waqtiga aan joogno ee in wax la bartay la sheeganaayo…!

Marka, Xamar waxaa joogay gumeysiga Talyaaniga iyo dad uu u bixiyay “Paesano” oo u badan dadki aan asal ahaan ka soo jeedin deegaanka ama haku keeno askar, maamul iyo qaarki ka haray Barqash iwm, ereyga macnihiisa mar waa Walaal, Saaxib, Ahlu-balad… Waxey aheyd wax lagu faano in aad noqoto Paesano, Talyaaniga uu uga dan lahaa qabiil cusub ee u dhaxeeya isaga iyo dadka asalka ah “Indigenous-ka” haddana dadka noocaas ahaa ku faana, anaga magaalada ayaan joogi jirnay, reer hebelna waa laga saari jiray habeenki haddii aysan heysan dad kafaala qaada, Soomaalida weligeedba faanka agtooda wuu ku macna beelaa..!

Bal aan u soo dhaco halyeeyadi la duugay taariikhdooda ee Talyaani ku abuuray baqdintaa iyada ah, Waxey kala ahaayeen Ilaah ha u wada naxariisto kuligoodba, Halyeey Marxuum Cumar Maxamuud Laameer oo Hogaamiye ahaa iyo labadisi ku-xigeen, Halyey Marxuum Maxamed Aswad Al-Cimraani oo loo yaqaanay “TURUUFOW” aslakiisana ahaa Cumaani, dad wanaaagsan oo xaqa la jira waa buuxeen, sida qaar ka soo horjeeda ay u jireen, nasiib aan u yeeshay inaan arko marxuumka, Ilmihiisana aan saaxibo nahay Abdi Aswad iyo Ali Aswad Ali Aswad, weliba aabahood marki la xiray waqtigi ingriiska, waxaa loo gudbiyay xabsi ku yaala LUUQ, nasiibwanaagse, subixi la dili lahaa oo aheyd 15Nov 1948 ayaa hebeenki ka horeeyay ee bishu 14aheyd, waxaa dhashay Prince Charles oo hooyadii dhaxal sugta aheyd, markaas ayaa loo fidiyay dadki dilka ku xukunaa ee dhulka ingriiska gumeysto cafis guud, sidaas ayuuna marxuumka dilki kaga badbaaday, ku-xigeenka sedexaadna wuxuu ahaa, Halyey Marxuum Maxamuud Maxamed Geedi (Ooyaaye) oo runti isagana si xun loogu silciyay Xabsiga ilaa uu isagoo aan arag fiican laheyn oo aad u tabardarran laga soo daayay kadibna horaanti 1969 loo dilay aano qabiil, waxey lahaayeen taliyaal rugo ee hawlgalada fuliya, iyagana marna kama ay harijirin, weligood lama sheegin iyagoo dad caadi ah dhibaateeyay, dadki loo adeegsaday ee qabashadooda qeyb ka qaatay waxey ahaayeen reer tolkood, halyey Cumar Laameerna waa la dilay, wuxuuna ku duuganyahay Iikada, Meesha keliya ee aan ku arkay sawiradooda oo gacan ah, waxey aheyd maqaayaddi Xaaji Koogaar AUN ee weliba looga digay inuusan noqon qof xasarad abuur ah waqtigi Kacaanka iyo Maqaayad kale oo ku taalay guriga Xuseen Xaaji Bood AUN dhankiisa woqooyi, waxaa kale oo jiray garaashka Laameer ee uu lahaa Nuur Maxamed Hadaafow….

Waqtiga gumeysiga culeyskiisa uu bilowday waxey aheyd marki laga dhigay Colonial Governor, Cesare Maria De Vecchi, 1923 ilaa 1928 isagoo soo gabgabeeyay Saldanadi Hobyo, Boqortooyadi Bargaal fadhiday iyo halganki Shiikh Xasan Barsane Ilaah ha u wada naxariisto… Horaan u sheegay markuu ka soo degay Furdada Xamar, waxaa soo Xambaaray dadka deeggaanka iyagoo u dheelaya oo faraxsan ilaa ay ka keenaan CIRAWEYNE kadibna uu kula hadlay, wuxuuna ku yiri, “AFRIKAANKA GUUL AYNA LAHEYN AYEY U DABAADEGGAAN” taas oo kalana waxey ka dhacday Woqooyiga Soomaaliya, marki abwaanka uu lahaa “NINKAA ARAGIISAA UURKAAN KA NECEE, AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA” Umadina soo dhaweynta gaalka u sii kala firxaneysay ilaa haddana waan argnaa debaaldegyadda noocaas ah…!

Marka, Soomaalida Paesano darajo u aheyd, nimanka taariikhda amarki baandowga ee dhacay ka soo qaata, ee aan ka sheekeyn wixi sababay, waxaan leeyahay, waxaa idiin sharaf badan inaad taariikhda oo buuxda sheegtaan…. Xumaha shaarka ceebeed kuu geliya faan maaaha!

SOOMALIYA NASIIBKEED!

You must be logged in to post a comment Login