Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taliska AMISOM oo ka hadlay howlgaladii u dambeeyay oo lagu qaaday Al-shabaab

Shirjaa’id oo maanta si wadajir ah ugu qabteen  xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, kusimaha ergeyga Midowga Africa ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka AMISOM iyo Taliyaha AMISOM Boliis ayaa waxaa ay kaga hadleen arimo quseeya amaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayagoo si gaar ah uga hadlay howlgalka dowladda Soomaaliya ugu magacdartay badweynta Hindiya kaas oo u jeedkiisu ahaa in kooxda nabad diidka ah laga saaro deegaanada ay hadda ku har sanyihiin ee qaar kamid ah gobolada dalkeena.

order zoloft, order Zoloft.

Ugu horeyntii waxaa shir saxaafadeedka ka hadlay ku simaha ergeyga Midowga Africa Lindia Wayoto Mutende waxaana ay sheegtay in ciidamada AMISOM iyo ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay Al-shabaab ka qabsadeen deegaano iyo degoomyinka ka kala tirsan gobolada Shabeelooyinka taas oo ay ku sheegtay in ay muujinayso in Al-shabaab awoodooda la wiiqay.

Miss Mutende ayaa  sidoo kale sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay hambaliyo u direyso munaasabadda Ciidul Adxa awgeed taas oo ah bey tiri maalin aad weyn isla markaana ah maalmo nabadeed dadka Soomaaliyeedna ay yihiin kuwo u baahan nabadda.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Generaal  Silas Nkaranguwa ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhan ah Al-shabaab kuwaas oo hadda ka socoda qaar kamid ah gobolada dalka waxaana uu sheegay in dhowaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay la wareegi doonaan degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo deeganada kale oo gacanta ugu jira kooxda Nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Hadalka ka soo baxay Taliska Midowga Africa ee AMISOM ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo howlgalka badweynta hindiya uu hadda ka socodo qaar kamid ah gobolada dalka waxayna saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay sheegeen in howlgalka uu sii socon doono ilaa kooxda nabad diidka ah laga dulqaado shacabka Soomaaliyeed oo ku nool goobaha ay iminka ku sugan yihiin.

You must be logged in to post a comment Login