Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taliye Cali Gaab oo Xajka aaday iyo sargaal ka tirsan Vila Soomaaliya oo si weyn u fadeexeeyay Mas’uulkaasi

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Dowladda Somaliya General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), ayaa waxa uu u amba baxay dalka Sacuudi Carabiya, si uu u soo guto waajibaadka Xajka.

Taliyaha, ayaa toddobaadkaan u amba baxay Magaalada Magaalada Makka, waxaana sida la sheegay uu ku amba baxay lacagaha ay Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ka qaadaan gaadiidka Magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Madaxtooyada (Villa Somalia), ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay ogtahay, in Cali Gaab uu Xajka ugu amba baxay lacagaha ay Ciidanka Ilaalada ka qaadaan gaadiidka.

Sarkaalkaan wuxuu kaloo sheegay in lacagaha uu ku amba baxay masuulkaan ay ahayd middii uu Qaranku lahaa, balse uu jananku masuq maasuqay.

Sidoo kale waxa uu shaki ka muujinayaa sida qofka looga aqbali karo gudashada waajibaadka Xajka, haddii uu ku soo xajiyo lacago uu ku sheegay in masuq maasuqay.

Lama garanaayo in Dowladda Somaliya ay tallaabo ka qaadi doonto Sarkaalkaan iyo in kale, balse tallaabada uu ku kacay, ayaa waxaa la dhihi karaa waxay qayb ka tahay masuq maasuqa hareereeyay Dowladda Somaliya iyo la xisaabtan la’aanta ka dhex jirta xagga masuuliyiinta Dowladda. buy zoloft, buy Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login