Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taliye kuxigeenki ciidanka cirka Soomaaliyeed oo maanta la aasay

Muqdisho–Allaha u naxriistee Taliye kuxigeenkii Ciidamada Cirka Soomaliyeed General Maxamed Aadan Samater ayaa maanta waxaa aas loogu sameeyay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu xalay geeriyooday.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya  oo ugu  horeeyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana  lagu Aasay qabuuro ku yaalla Xerada Ciidamada Cirka ee Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ka qeyb gashay aaska ayaa waxaa ay tacsi u direen  Ehaladii, qaraabadii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxriistii Taliye ku xigeenka.

You must be logged in to post a comment Login