Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taliye Xijaar: Dalkeena waa lagu soo duulay ammaankiisu meel xun ayuu marayaa

 

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya  S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag kaga hadlay xaaladda amaan ee dalka.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in dhanka amaanka dalka looga soo duulay oo uu haatan marayo meel aad u xun, isla markaana la diidan yahay in la ilaaliyo amniga dadka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ee dalka.

Taliyaha booliska Soomaaliya oo ku dheeraaday kahadalka walaaca amni ee ka jira dalka, ayaa tusaale u soo qaatay, qaraxyada joogtada ah ee lala beegsanayo Injineerada iyo shaqaalaha Turkida ah ee ku howlan dhismaha wadooyinka bur-bursan ee dalka, iyo qaraxyadii lagu xiray kaamirooyinka lagu kaabayo sugidda ammaanka Muqdisho ee lagu xiray wadooyinka qaar.

Sidoo kale Taliye Cabdi Xasan ayaa intaasi ku daray in lagu soo duulay ammaanka dalka, isla markaana laga soo galo xuduudaha iyo hawada, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkeena amnigiisa waa lagu soo duulay , xuduuda halaga soo galo ama dayuurad ha lagu yimaado, dalkeena amnigiisa meel xun buu marayaa, waxaa la diidan yahay dadka amnigiisa in la ilaaliyo Kaamirooyinkii wadooyinka lagu xiray in la qarxiyo baa la gaaray, wadaa la dhisayaa Injineeradii dhisayay baa la dilayaa oo la qarxinayaa, waxaa la diidan yahay umadda Soomaaliyeed in ay xasisho oo lugaheeda ku istaagto” ayuu yiri Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Hadalkan ayuu taliyaha booliska Soomaaliyeed ka sheegay shir looga hadlayey arimaha socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login