Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taliyihii ciidanka maamulka Jubba oo xalay lagu dilay Kismaayo

imgres-1

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen xalay magaalada Taliyihii ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo labo kamid ah ilaaladiisa.

Taliye Ciise Kambooni iyo labo kamid ah ilaaladiisa ayaa xalay iyagoo fadhiya meel lagu rasaaseeyay waxaana falkaasi lagu dilay ka dambeeyay kooxo hubeysan.

Kooxdii dishay Taliyihii Ciise Kambooni iyo labadii nin ee ilaaladiisa kamidka ah ayaa ka baxsady halka ay ku dileen taliyaha oo ahayd xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Ciise Kambooni ayaa ahaa ninkii ugu sarreeyay ururka Raaskambooni waxaana markii la qabtay Kismaayo Axmed Madoobe uu u magacaabay taliyaha ciidamada maamulka iyadoo weli masuuliyiinta maamulka aanay ka hadlin dilkiisa.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa xalay aad u kacsanayd, waxaana magaalada sidoo kale saaka laga dareemayaa jawi cabsi ah iyadoo ciidamo badan lagu dhex arkayo.

You must be logged in to post a comment Login