Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taliyihii Ciidanka Uganda Ee Soomaaliya iyo 23 Sarkaal Oo Shaqada Laga Eryay Kadib Markii Ay Raashin Xadeen

AMISOM_som

Dowladda Uganda ayaa xukuntay Saraakiil sarsare oo katirsan ciidanka wadankaasi oo ku lug yeeshay falal xatooyo ah iyo musuq maasuq halis geliyay nolosha askarta Uganda ee Soomaaliya ku sugan.

Afhayeenka ciidanka Uganda Paddy Ankounda ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in 24 sarkaal oo uu kamid yahay taliyaha ciidanka Uganda ee Soomaaliya shaqadii ay hayeen laga joojiyay islamarkaana loo duuliyay dhanka Kampala.

Wuxuu sheegay in askartani ay suuqyada Soomaaliya ka iibsadeen,raashin maalin walba loogu talgalay ciidanka islamrkaana ay iibsadeen shidaal iyo sahay loogu talagalay ciidamada Uganda ee Soomaaliya ka dagaalamaya.

Generaal Michael Ondoga taliyaha guud ee ciidanka UPDF-ta ayaa kamid ah 24-sarkaal ee shaqada laga fariisiyay,madaxweynaha Uganda Museveni ayaa si aad ah uga carooday musuq-maasuqa ay ku kaceen saraakiisha ciidankiisa.

You must be logged in to post a comment Login