Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Talyaaniga oo balanqaaday in uu dhanka Cafimaadka ka taagerayo Qaxootig Soomaliyeed

Ra’isul waasaraha dalka Talyaaniga Enrico Letta ayaa balanqaaday in dowladiisu ay kaalmo caafimaad ay u fidinayso dadka Muhaajiriinta ee ku jira Xeryaha Qaxootiga dalkaasi, kadib markii ay soo shaac baxaday in dadka Muhaajiriinta Soomaalida iyo Ethiopianka ah ay la taacalayaan Cuduro aad u daran.

Dowlada Talyaaniga ayaa horay ugu balanqaaday in ay wax ka qabaneyso soo dhawaynta iyo xaaladda caafimaad ee dadka Muhaajiriintaa ah, ayna aduun lacageed oo gaaraya $40 Million ay ka heshay Midowga Yurub oo wax lagaga qaban doono Dadka Ku dhibaateysan gudaha dalka Talyaaniga iyo dadka kale ee Doomaha kula qalibmaan Xeebaha Talyaaniga.

Ra’isul wasaraha Talyaaniga ayaa intaasi ku daray in Sanadkii tagay ee 2012 iyo Sanadan 2013 ay aad u kala fog yihin dadka Muhaajiriinta ah ee soo galay dalka Talyaaniga islamarkasna kasoo cararaya Dagaalada Soomaaliya, siiriya iyo wadamo kale ee Caalamka ka mid ah

You must be logged in to post a comment Login