Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

TALYAANIGA oo ballan qaad cajiib ah u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

buy Tastylia online, purchase lioresal. Dowladda Talyaaniga ayaa shaacisay in ay taageero siin doonto madaxweynaha Soomaaliya muddada uu xafiiska hayo.

Hadalkan ayaa waxaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ka sheegay danjiraha cusub ee Talyaaniga u soo magacowday Soomaaliya, kaasoo maanta madaxweynaha uu ka guddoomay warqadihiisa aqoonsi.

Danjiraha ayaa xusay in ay ka go’an tahay siddii ay dowladda Soomaaliya uga taageeri lahaayeen arrimaha nabadda iyo horrumarka.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dowladdaha sidda weyn taageerada u siinaya dowladda Soomaaliya oo dagaallo xooggan kula jirra Al-Shabaab.

Dhinaca kale, maalinta berri ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu yimaado wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga.

Wasiirka ayaa kulamo la qaadan doona madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Talyaaniga ayaa ku soo biiray waddamada sidda dhow ula saaxibaya Soomaaliya oo dagaallo ku jirtay 23-sanno.

You must be logged in to post a comment Login