Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

TOP NEWS: AMISOM oo baareysa Shabaab ay ciidamadda Uganda Muqdisho tababar ku siisey

Viagra soft FRUIT no rx, purchase clomid. Kadib markii ay soo baxeen in Ciidamadda Dalka Uganda ee Qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ay Xarunta Xalane ay tababaro ku siyeen Xubno Shabaab ka tirsan , waxaa bilaabmey Baaritaano lagu ogaanayo xaqiiqadda Arintaa.

Col. Xumad Afhayenka Ciidamadda AMISOM oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in iyagu wadaan Baaritaano ku aadan sidii ay arintaasi ku suura gashey isagoona intaa raaciyey in arinta ay iyagu ku arkeen uu Jaraa’id Uganda ka soo baxa.

“Anagu waan maqalney uun arintaa balse ilaa iyo iminka ma xaqiijin karno qaabka ay u dhacdey, baaritaano arintaa ku aadan ayaana wadnaa” ayuu Xumad Afhayenka AMISOM yiri.

Dhawaan ayaa jaraa’id ka soo baxa Kampala wuxuu qoray in saraakiil ka socda dalka Uganda oo qeyb ka ahaa howgalka AMISOM ay Muqdisho ku tababbareyn xubno ka tirsanb Al-Shabaab, waxaana warkaas uu keenay shaki aad u weyn, oo waxaaba QM xafiiskeeda Muqdisho la timid ciidamo gaar ah oo waardiyeeya shaqaalaha iyo xafiisyadda ay ku lee dahay Muqdisho.

Uganda waa dalkii ugu horreeyay ee ciidan u soo dira howgalka AMISOM waxaana ka jooga Soomaaliya ciidamada ugu badan ee midowga Afrika ka socda.

Dalka Uganda waxaa hadda dacwad lagu soo ogaay saraakiil horrey uga tirsanaa AMISOM kuwaasoo la sheegay inay la shaqeyn jireyn Al-Shabaab.

You must be logged in to post a comment Login