Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Turkiga oo Maalgashi ku samaysanaya deegaanada Puntland

Waxaa maanta gaaray Magaalada Boosaso wafdi uu hogaaminayo Qunsulka dowlada Turkiga u fadhiya Soomaliya Cumar Faaruuq, waxaana kusoo dhoweeyay garroonka diyaradaha ee magaalada Boosaso xubno katirsan gollaha wasiiradda Puntland.

Wafdiga la socaday qunsulka Turkiga ujooga Somaliya ayaa waxaa ku jiray ganacsato Turkish ah, waxaana imaashahooda Boosaso kadib ay booqasho ku tageen Dekedda magaalada Boosaso, iyagoona kusoo dhex wareegay gudaha Dekedda, waxa kale oo ay tageen deegaanka mareero oo dhanka Bari kaga beegan Boosaso halkaasi oo ah dhul xeebeed horay dadka looga tahriibin jiray.

Wafdiga ayaa intaasi kadib kula kullmay aqalka madaxtooyada Boosaso madaxweynaha dowlada Puntland iyo xubno katirsan gollaha wasiirada Puntland.

Qaar kamid ah Madaxda Puntland ayaa sheegay in safarka madaxdan uu la xiriiro sidii dowladda turkiga malgashi ugu samaysan lahayn deeganada Puntland sababtasina ay u soo booqdeen Magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaso.

Xeebta Mareero ayaa ah meel ku fiican Dalxiiska waxana warar hoose ay sheegayan in ay noqon doonto meelaha ay Ganacsatada turkiga maalgashiga ku samaysan doonto waxana ay arrimaha ganacsiga iyo malgashiga kamid ah waxyabahii ay wafdiga Turkiga iyo Madaxweynaha Puntland maanta ka wada hadleen.

Malgashiga turkiga ee Puntland ayaa sidoo kale la sheegay in ay kamid yihiin Garoonka Diyaradaha iyo Dekadda Boosaso.

Wakaalada Wararka Somalimedia.co.uk

Xafiis ka wararka Boosaaso

Email : info@somalimedia.co.uk

Super Tadarise online, buy clomid online.

You must be logged in to post a comment Login