Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Turkiga oo sheegay inuu san u golaan doonin gooni isutaaga mamulka Somaliland

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga iyaga oo gaaray magaalada maalintii Tallaadada, waxaana ay halkaasi u tageen sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen madaxda dalkaasi Turkiga.
Sida uu qoray wargeys kasoo baxa dalkaasi oo lagu magacaabo Today’s Zaman ayaa la sheegay in dowlada Turkiga aysan ogalaanaynin kala qeybinta Soomaaliya.
Diblumaasi sare oo ka tirsan dowlada Turkiga ayaa u sheegay wargeys-ka Today’s Zaman in xaalado kala duwan ay ka jiraan dalka Soomaaliya islamarkaana ay ka warhayaan maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya, laakiin wuxuu qalad ku tilmaamay kala qeybinta Soomaaliya.
“Gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka jira maamul goboleedyo badan oo Somaliland ay ka mid tahay kuwaasi oo leh maamul u gooni ah, Somaliland waxaa la sheegay inay dooneysoin Soomaaliya inteeda kale ay ka go’do, si kastaba waxay noqonaysaa qalad haddii aan aqoonsano” ayuu yiri diblumaasigaasi
Sidoo kale wuxuu sheegay in dowlada Turkiga ay kasoo horjeedo kala qeybsanaanta Soomaalida isagoona intaasi ku daray in Turkiga uusan taageeri doonin koox wax yeelayn karta karaamada dhulka Soomaaliya iyo madaxbanaanidiisa.
“Si aan u ilaalino karaama dhulka iyo midnimada Soomaalida, waxaan xiriir la yeelanaynaa dhinacyada Soomaalida, sababtuna waxay tahay waxaa ka dhashay dalka saboolnimo iyo argagixisanimo, waxaa jira kooxo badan oo doonaya kala qeybsanaanta Soomaaliya.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in xasilooni ka dhalata dalka Soomaaliya ay horseedi doonto in dhamaan dhinacyada kala duwan ee Soomaaida ay kasoo laabtaan fikirkooda ah inay ka go’ayaan Soomaaliya inteeda kale.

You must be logged in to post a comment Login