Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

UN ka oo Rugta Ganacsiga Jubbaland ee JCCI ka joojinaya Mashaaric badan oo la marsiin laha ka dib marki lagu helay…

Ayado dhawaan warbixin dheer ay soo saartay kooxda Monitoring Group ay uga hadashay arimo badan oo la xiriira cunaqabateynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Erateria, ayaa waxay kooxdu ku eedeeysay Rugta Ganacsatada Jubbaland ee JCCI in ay dhofiyaan dhuxusha islamarkaana hub Sharci daro ah u soo dejiyaan Hogaamiye Axmed Madoobe.

Kadib markii Rugta ganacsiga Jubbaland ee JCCI ay ka soo dhex muuqatay Reporki UN Monitoring Groupk ka waxaa markiba UN ka ay warqado u kala direen dhaman Ururada iyo dowladaha caawiya Somalia waxana warqadaasi ay xanbarsanayd in ila iyo amar danbe ay mumnuc tahay in mashaaric la marsiiyo JCCI.

Sido kale Warbixin taan oo lo kala diray dalal badan iyo ururo ka qayb qaata dib u dhiska iyo kalmeynta Somalia ayaa waxaay sameyn ku yeelatay Mashaaric horay lo siyay JCCI kuwaas oo intooda badan ka yimid Dowladaha UK iyo UAE waxana dhawaan dowladahaasi ay dib u egis ku sameyn doonan mashaaricdi ay siyeen JCCI.

UN Monitoring Group ayaa shaaciyay in ay hayaan Muqaalo cadaynaya in JCCI ay dhoofiso dhuxusha islamarkana ay hub kala duwan oo sharci daro ah uso ibiso Maamulka Axmed Madoobe.

Rugta Ganacsiga Jubbaland ee JCCI ayaa waxaa sido kale lagu edeyaa in ay qayb ka tahay barakicin bahsan oo lagu hayo ganacsatadi hore ee Jubbaland iyo waliba xiisadaha ka tagan Gobolada Jubboyinka ayago markasta la safan garab ka mid ah Garab yada isku haya Gobolada Jubboyinka. cardura without prescription, order Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login