Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ururka Al-Shabaab oo la sheegayn iney Nabadoon caan ah ku dileen Magaalada Ceelbuur.

Wararka ka imaanaya Magaalada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in lagu arkay Magaaladaasi Meydka Nabadoon caan ka ahaa Gobalka Galgaduud oo la sheegay ay dileen Ururka AL-Shabaab.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Alaha u naxarisitee Shire Diiriye Cismaan oo ka mid ahaa Odiyaasha Dhaqanka Deegaanka Ceel lahelay ee Gobalka Galgaduud.
Meydka Nabadoonka ayaa lagu arkay deegaanka Caaro oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.
Ururka Al-Shabaab ayaa wax war ah ka soo saareyn dilka la sheegay in Ciidamadooda ay u geysteen Nadoon shire Diiriye.

You must be logged in to post a comment Login