Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan, kadib markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf, kaasoo xilkan hayay tan iyo xilligii dowladdii KMG aheyd.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa isla maanta loo dhaariyay xilka Guddoomiyaha, kadib munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Villa Somalia.
Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa ahaa Garyaqaanka Guud ee Somaliland, kaasoo xilka iska casilay lix maalmood ka hor, iyadoo warqadiisa istiqaalada isagoo ka maqan Hargeysa u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland si uu uga aqbalo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa bishii July ee sanadkii 2011 u magacaabay Ibraahim Iidle Saleebaan Garyaqaanka Guud ee Somaliland.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ka hor inta uusan is casilin uu ku wargeliyay Maamulka Somaliland inuu siminaar u aadayo dalka Koofur Afrika.
Magacaabista Ibraahim Iidle Saleebaan waxay maamulka Somaliland ku noqoneysa mid lama filaan ah, maadaama muddo todobaad gudihiis inta uu iska casilay xilkii uu ka hayay Maamulka Somaliland, looguna magacaabay xil sare oo ah Maxkamadda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa ka soo jeeda Gobolka Togdheer, waxaana ay is xigaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Guddoomiyihii hore Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa labadaba ka soo jeeda Gobolka Togdheer.
Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa xilka garyaqaanka Guud ee Somaliland iska casilay lix maalmood ka hor
Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa xilka garyaqaanka Guud ee Somaliland iska casilay lix maalmood ka hor
Dadka sharci yaqaanada ayaa ku tilmaamaya qaabka loo maray xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare Ceydiid Ilka-Xanaf ay tahay mid aan sharci aheyn, sidoo kale waxaa ay ku soo aadeysaa,iyadoo la galay marxalad kala guur, isla markaana dowladda Federaalka ee hada jirta ay u harsan tahay wax ka yar afar bilood. buy Sublingual Viagra, generic lioresal. Intagra buy online, sildenafil reviews, zithromax reviews. generic lioresal.

You must be logged in to post a comment Login