Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wadahadalladii Udhaxeeyay Maamulka Somaliland iyo DF-ka oo Joogsaday.

00000000000000000009

Khilaafka dhanka siyaasadda ah ee u dhaxeeya maamulka isku magacaabay Somaliland iyo dowladda Federaalka ayaa sii xoogeystay. 

Max’med Biixi Yoonis oo ku magacaaban wasiirka arrimaha dibadda maamulka Hargeysa ayaa warbaahinta u sheegay in dhankooda ay joojiyeen wadahadaladii kala dhaxeeyay maamulka Xasan Sheekh.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay DF-ka in ay ka caga jiidayso aqoonsiga maamulka Somaliland sidaasi daraadeed ay adagtahy in ay wadahadalka qeyb kasii ahaadaan.

Dowladda Turkiga ayaa sanaddii 2013 magaalada Isdanbuul ka furtay wax loogu magac daray wadahadal laysugu geeyay Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo balse illaa iyo hadda wax guul ah lagama gaarin wadahadaladaasi oo siyaasiyiintu ku sifeeyeen waqti lumis.
buy Sildalis, cheap lioresal.

Maamulka Somaliland isku magacaabay ayaa isku arka dal soomaaliya intiisa kale kamadax banaan halka Dowladda Federaalka ay magac ahaan uun ay ujirto.

You must be logged in to post a comment Login