Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wadooyinka Muqdisho oo weli xiran Xilli uu Baaqday Madaxweynaha dalka Turkiga

Waxaa weli xiran dhamaan wadooyinka Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka xili Madaxtooyada Soomaaliya ay xaqiijisay in Safarkii Erdogan uu ku imaan lahaa Magaalada Muqdisho uu Baaqday.

Waxaa ilaa iyo hada xiran inta badan Wadooyinka halboolaha u ah Muqdisho, iyadoona Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay saaka kusoo tooseen wadooyin badan oo xiran.

buy Cialis Soft, buy zithromax.

Sidoo kale, Ciidamada amaanka ayaa saaka isku gadaamay laamiyada waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana meelaha qaar loo diidayaa in ay isticmaalaan gaadiidka iyo dadwenaha, halka sidoo kalena ay jiraan meelo shacabka xitaa laga celinayo.

Guud ahaan wadada Makka Al-mukarrama ayaa saaka ahayd mid xiran, waxaana sidoo kale jira wadooyin kale oo muhiim ah, misane isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha loo diiday.

wado3Dad weynaha ayaa iyagu is weydiinaayo sababta uu usii xiran yahay wadooyinka maadaama uu baaqday Socdaalkii Madaxweynaha dalka Turkiga uu ku imaan lahaa Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Turkiga ayaa saaka safarkii uu ku imaan lahaa magaalada Muqdisho baajiyay ka dib markii uu geeriyooday boqorkii dalka Sacuudiga Cabdalla Bin Cabdicasiis.

You must be logged in to post a comment Login