Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi ay hoggaaminayaan C/Kariim Guuleed iyo Shariif Xasan oo gaaray Kismaayo.

S

 Oct 5, 2019

 0S

Kismaayo–Wafdi ay hoggaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hadda ka dagay magaalada Kismaayo ee xunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana si weyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo labaad ee Jubbaland .

Diyaaradda siday wafdigaasayaa toos uga timid magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana labadaas madaxweyne wafdigooda ku wehliyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kala yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xubnaha maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo aan wali si rasmi ah loo shaacin waqtiga ay dhaceyso.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid oo ka hadlayay soo dhoweynta wafdiga maanta gaaray Kismaayo ayaa yiri ” ku soo dhawaada magaalada Kismaayo waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysay ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, madaxweyne Farmaajana waxaan rajeynayaa in aan mudanahay in uu noogu soo hambalyeeyo”

Dowladda Soomaaliya ayaa horey sabab ugu noqotay inay baaqato Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe kadib markii ay joojisay dhammaan diyaaradihii tagi jiray Magaalada Kismaayo, sidoo kalana ay xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo diyaarad ka raaci rabay Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 0

You must be logged in to post a comment Login