Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi ka socda Baarlamaanka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

zoloft tablets buy, generic dapoxetine. Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi Xildhibaano ah oo ka socda Dowladda Turkiga, kuwaasi oo maanta barqadii soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Wafdigaan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Turkiga kasocda ayaa waxaa Hogaaminaye Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka iyo Saaxiibtinimada Baarlamaanka dalka Turkiga.
Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga, Xubno ka socday Safaarada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, iyadoo intaasi kadib qeybta nasashada Garoonka ay kulan kuwada qaateen masuuliyiintaan.
Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Saaxiibtinimada Baarlamaanka dalka Turkiga oo la hadlay Warbaahinta kulanka kadib, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa Magaalada Muqdisho, taasina ay ka dhalatay xiriirka wanaagsan ee Turkiga iyo Soomaaliya ka dhaxeeya.
Wuxuu sheegay inuu dhowr maalin joogi doonaan Magaalada Muqdisho, ayna la kulmi doonaan madaxda sar-sare ee dalka Soomaaliya.
Dhankiisa Xildhibaan C/qaadir Macalin Nuur oo isna ah Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay tahay Dowladda kaliya ee Soomaalida sida tooska ah ugu soo gurmatay, isaga oo sheegay in Soomaaliya iyo Turkiga ay midoobeen.
Ujeedka wafdigaan ay u yimaadeen ayuu ku sheegay inay tahay xiriirka labada Dowladood sidi loosii adkeyn lahaa iyo soo gaba-gabeynta mashaariic dhismooyin wado ah oo Turkiga Muqdisho uu kuwada kuwaasi oo xafladooda ay ka qeybgali doonaan wafdiga Xildhibaanada dalka Turkiga ka socda.
Turkiga ayaa miisaan ku leh dalka Soomaaliya, marka loo eego howlaha kala duwan ee dhanka gar-gaarka iyo Taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login