Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi ka socda kenya oo ka qeyb galaya xaflada caleema saarka Axmed Madoobe

S

 Oct 11, 2019

 0S

Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa la sheegay inuu hoggaamin doono guddoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya  Aadan Bare Ducaale, senataro iyo xildhibaano ka tirsan Kenya.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay in wafdigan ay ka qeyb galaan caleema saarka madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya.

Wafuud kale duwan ayaa ka qeyb galaysa xaflada caleema saarka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka dhacaysa magaalada kismaayo.

You must be logged in to post a comment Login