Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo

Wafdigii ka socday Qaramada Midoobay ee shalay soo gaaray Muqdisho ayna hoggaaminaysay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee dhinaca taaageerada dhisidda nabadda, Judy Cheng-Hopkins ayaa maanta gaaray xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Xubnaha wafdigan ayaa waxaa garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyay xusbno ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo saraaiisha ciidamada AMISOM ee halkaas ku sugan.

Judy Chen-Hopkins waxaa socdaalkeeda ku wehlinaya ku-xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia, Fatiha Serur waxaana loo qaaday xarunta madaxdooyada ee maamulka Jubba.

Wafdiga ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku-xigeenkiisa Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil iyagoo kawada hadlay arrimaha maamulka, xiriirka kala dhaxeeya hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dar-dar-gelinta adeegyada horumarineed ee bulshada.

Waxaa lagu wadaa inay mas’uuliyiinta la hadlaan warbaahinta marka uu kulanka ay ku leeyihiin Kismaayo soo dhammaado, iyadoo wafdigan ay shalay Muqdisho ka sheegeen inay billaabayaan maal-gelin ay u sameeyaan dadka Soomaaliyeed. Sublingual Viagra no rx, cheap clomid.

You must be logged in to post a comment Login