Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi ka socday Dalka Biritin oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland

cheap paroxetine online, buy clomid online. Wafdi heer caalami ah oo ka socday safaarada Britain ee Somaliya oo soo gaaray Garowe ayaa la shiray madaxweynaha Puntland, C/wali Gaas, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arimo muhiim ah sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada.

Xubnaha la kulmay madaxweynaha waxaa hor kacayay Grant Calder oo ah la taliyaha arimaha siyaasadda safaaradda Ingiriiska ee Somaliya,iyadoo arimaha laga wada hadlay ay ku jireen dimuqraadiyadda iyo in taageero lo fidiyo maamulka Puntland.

Horumarinta laamaha garsoorka ,furitaanta nidaamka axsaabta badan iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ayaa ku jiray waxyaabaha kulanka lagu soo hadal qaaday intii u socday .

Dhinaca kale wafdiga dowladda Biritin ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta ay ka haleen madaxda maamulka ,waxaana ay sheegeen in Puntland ay wada shaqayn dhow la yeelan doonaan si hormariyo xiriirka labada dhinac.

Ugu danbayntii warka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dowlada Ingiriiska ay maamulka Puntland sidoo kale ka caawin doonto tababaridda qaybaha kala duwan ee ciidamada gaar ahaan laamaha booliska,waxaana madaxweynaha uu booqashdan ku tilmaamay mid loo baahnaa.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2014/Oct/wararka_maanta12-48685.htm#sthash.CvTYPRtm.dpuf

You must be logged in to post a comment Login