Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi ka yimid Jigjiga oo Garoowe si weyn loogu soo dhoweeyey

cheap dapoxetine, cheap lioresal. Wasiirro iyo odayaal-dhaqameed kasoo kicitimay dhanka dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Wafdigan ayaa Puntland u yimid si ay uga qayb galaan caleema-saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqorka 34-aad ee beelaha Puntland, oo maalin kaddib ka dhici doona magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Wasiirka Cadaalada Dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya Cabdi Xuseen Cabdi Sonkor iyo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool ayaa wafdiga horkacayey, waxaana duleedka Garoowe kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsanaa golaha wasiirrada ee Puntland.

Aqalka madaxtooyada ayaaa intaas kaddib loosoo gudbiyey, halkaasoo ay kula kulmeen Madaxweyen C/weli Gaas oo isagu tilmaamay in imaanshaha wefdigan uu si aad ah ugu faraxsan yahay.

Berri ayaa lagu wadaa in wafdigaasi ay usoo gudbaan dhanka magaalada Qardho, halkaasoo maalinta Isniinta ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay May 25, 2014 lagu caleema saarayo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo bedelli doona walaalkii Boqor C/laahi Boqor Muuse oo sanadkii hore dalka Finland ku geeriyoodey.
– See more at: http://hiiraan.com/news/2014/may/wararka_maanta23-46708.htm#sthash.2heuK4VM.dpuf

You must be logged in to post a comment Login