Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasiirka 1aad ee xukuumada Somalia Dr Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goor dhaw isaga iyo xubno kale waxay u’ambabaxeen gobolka G/gaduud.
Wafdigaan waxa la sheegay inay ku dagi doonaan magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta gobolkaasi iyagoona la kulmi doona maamulka halkaasi ka jira iyo shacabka deegaankaasi.
Dr Saacid ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka G/gaduud isagoonaku dhashay degmada Caabud-waaq kormeerna uu ku tagi doono.
Ilaa hadda si cad looma sheegin ujeedka ra’iisalwasaare Saacid uu ugu ambabaxay gobolka G/gaduud e bartamaha dalka Somalia.
Dad kusugan magaalada Dhuusa-mareeb ayaa iyagu buux dhaafiyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi si ay caleemo qoyan ugu soo dhaweeyaan uguna marxabeeyaan ra’iisalwasaaraha Somalia.
You must be logged in to post a comment Login