Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaare C weli Oo U Ambabaxay Britain

Intagra for sale, lioresal reviews. Raisul wasaare Cabdiwali Sh Diyaarad

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo uu uga qeyb-galay furitaankii shirka dib u heshiisiinta gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirro iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo isla maanta Ra’isul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed  iyo wafdi uu hoggaaminayo ay u ambabaxeen caasimadda dalka Ingiriiska ee London oo ay uga qeyb-geli doonaan shir looga hadlayo ammaanka Soomaaliya.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ka soo laabteen Baydhabo, haddana ay ku sii jeedaan magaalada London si ay halkaasi uga qeyb galaan shir si gaar ah oo looga  hadlayo dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wafdi Ra’isul wasaaraha waxaa ka mid ah wasiirrada Gaashaandhigga iyo Warfaafinta iyo saraakiil kale, waxaana shirkaasi ka qeyb-gali doona madax ka socota wadamada reer Yurub, iyadoo dowladda Ingiriiska ay martigalisay shirkaasi ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed lagu taageerayo.

You must be logged in to post a comment Login