Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wafdi uu Hoggaaminayo Axmed Madoobe oo dib ugu soo noqday Degmada Kismaayo ee Jubbada Hoose

Wafdi uu horkacayo gudoomiyaha maamulka KMG ee degmada Kismaayo Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyagoona kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Gudoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinayay afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar taliyaha ciidamada guutada 1-aad ee gobolka Gedo Col Cabaas Ibraahim Gureey, afhayeenka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo Col Warfaa Sheekh Aadan iyo Saraakiil kale, waxaana markii uu wafdigu soo gaaray garoonka magaalada Kismaayo si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka maamulka KMG ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer).
Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in maalmo kadib uu dib ugu soo laabto magaalada, isagoona sheegay in ay si guul ah ugu soo dhamaadeen howlihii ay u tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Masuulkani ayaa sheegay in muhiimada howlaha ay u aadeen halkaasi ay ahayd arinta shirka maamul u sameynta Jubooyinka, wuxuuna xusay in arimahaasi oo dhan ay usoo dhamaadeen ayna filayaan in shirka laga guul gaaro.
Imaatinka wafdigan ka soca dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli maalinimada Isniinta ee fooda nagu soo heyso la filayo in magaalada Kismaayo ay soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login