Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiiradii ku xanibnaa Airporka Kismaayo oo loo fasaxay galida magaalada iyo shuruud lagu xiray

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wasiiradii ku xanibnaa mudadaa sadexda cisho ah garoonka dayuuradaha magaaladaas loo ogolaaday iney galaan magaalada, inkastoo shuruud lagu xiray.

Kulan maanta wasiirada kula qaateen garoonka dayuuradaha Kismaayo saraakiisha ciidamada Kenya iyo masuuliyiinta maamulka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in wasiiradaas loogu ogolaaday iney galaan magaalada.

Wafdi_Wasirro_11_1

 Wararku waxay sheegayaan in la bedelay Istaraatiijiyadii markii hore ay ku socdeen wasiirada oo aheyd dhinaca siyaasada waxaana laga mamnuucay iney la kulmaan qeybaha bulshada odayaasha iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada.

Wasiirada ayaa loo fasaxay oo kaliya iney booqdaan xeryaha ciidamada iyo jiidaha dagaalka ee laga difaaco magaalada Kismaayo si ay ugu dhiirigeliyaan iney sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan xoogaga Al-shabaab.

Wasiirada ku xanibnaa mudada sadexda cisho ah garoonka dayuuradaha Kismaayo ka dib markii loo diiday iney magaalada galaan oo kala ah, wasiirka warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, wasiirka difaaca C/xakiin Xaaji Fiqi iyo wasiirka garsoorka C/llaahi Abyan Nuur ayaa xalay la kulmay weerar madaafiic ah oo Al-shabaab ay ku soo qaadeen garoonka dayuuradaha Kismaayo.

Muranka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo ayaa imanaya xilli dagaalyahannada Al-shabaab dhanka galbeed ee gobolka ay magaalada Kismaayo u jiraan qiyaastii 25 KM halka dhanka waqooyina ay jiraan wax ka yar 30 KM, iyadoona aalaaba ay weerarro ku soo qaadaan saldhigyada ciidamada AMISOM, kuwa Raaskaambooni iyo ciidamada  Dowladda ay ku leeyihiin daafaha magaalada.
…….

You must be logged in to post a comment Login