Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wakaaladaha Wararka ee SONNA iyo Xinhua oo heshiis kala saxiixday

Kulan magaaladda Muqdisho ku dhaxmaray mas’uulayiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo mas’uulayiin ka socday Wakaaladda Wararka dalka Shiinaha ee  Xinhua ayaa waxaa looga hadlay  sidii iskaashi dhanka Warhaabinta u dhax mari laheyd labadda Dowladdood.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  ku-simaha Wasiirka  ahna Wasiir ku -xigeenka Wasaaradda Warfaafinta  iyo Hauuninta Dadwaynaha iyo ku-simaha  Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxaa ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhex maraya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, waxaana heshiiska Wasaaradda Warfaafinta u saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, iyadoo dhanka kale uu u saxiixay agaasimaha Wakaaladda Wararka ee Xinhua.

Warbahinta qaranka waxaa la hadlay  agaasimaha Wakaaladda Xinhua ee Africa Yuan Bingzhong, waxuuna hashiiskani  ku  tilmaamay mid taariikhi ah, ayna  dowladda Shiinaha ay u tahay fursad ay ku garab istaagayso dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta. Brand Cialis without prescription, dapoxetine online.

Agaasimaha  guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuunimta dadwaynaha ,mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa  sheegay  in uu ahaa kulanka mid is faham oo dhexmaray  mas’uuliyiinta ka socotay dowladda Shiinaha iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, asagoo  intaa ku daray in uu ku faraxsan yahay   hashiiskan  dhaxmaray Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la aas aasay sanadkii 1964-tii ayaa waxa ay tani u noqoneyso mid bilow u ah dib u soo nooleynta xiriirkii ay la lahayd Wakaaladaha caalamka oo ay ka dhexeeyeen xagga isdhaafsi warar, waxaana Wakaaladda Wararka u faafisa Shinaha ee Xinhua la aas aasay 1931-kii

You must be logged in to post a comment Login