Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wakiilada Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe ka dalbaday 2 Qodob.

August 15, 20190

Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo maanta gaaray wafdi ka socda Beesha caalamka oo uu hoggaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayna ka mid ahaayeen IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.Advertisement

Xubnahan ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha waqtiga xilkiisu maanta ku ekaa ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehliyeen Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga, waxaana kulankaasi uu ahaa isku daygii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka ka taagan Doorashada Jubbaland.

Wakiilada Beesha Caalamka oo uu magacooda ku hadlay Wakiilka Q/Midoobay James Swan ayaa madaxweyne Axmed Madoobe ka dalbaday laba Qodob oo kala ah: In Dib loo dhigo Doorashada, si fursad loo siiyo musharaxiinta ka horjeeda Axmed Madoobe iyo in wax ka bedel lagu sameeyo shuruuda Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Jawaabtii Axmed Madoobe uu siiyay Beesha Caalamka ayaa noqotay inuusan isagu sharci iyo awood u laheyn wax ka bedelka jadwalka Doorashada oo arrintasi ay u taallo Guddiga Doorashada ee uu isagu maagcaabay, shaqadooduna aanu faragelin karin sida uu yiri.Advertisement

Wararka ayaa sheegaya in wakiilada Beesha caalamka ay ka dalbadeen Axmed Madoobe inay is arkaan Guddigiisa oo ay jawaab ka bixiyaan dalabka Beesha Caalamka si looga badbaado in Jubbaland yeelato laba madaxweyne.

Advertisement


You must be logged in to post a comment Login