Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War Culus: Amniyaadka Alshabaab oo khaarajiyay Ibraahim Afgaani iyo xaalka alshabaab oo …..

 

Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad oo ku magac dheer (Ibraahim Afghan), balse Gudaha Kooxda Al-shabaab loogu yaqaan Abubakar Al-Zeylici, ayaa la sheegayaa in la qaarjiyay kadib markii dhawaan ciidamo Daacad u ah Axmed Aw-cabdi Godane ay weerar ku qaadeen Hoy uu ka degnaa Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose halkaasi oo laga soo qabtay Hogaamiyahaasi.
Wararka Qaar ayaa sheegaya in Marka lasoo qabtay Ibraahim Afghan oo ka mid ahaa Saraakiisha Sar sare ee Kooxda Al-shabaab lasoo taagay maxkamada Amniyaadka ee Kooxda Al-shabaab, iyadoona warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in Marka lasoo taagay Maxkamadaasi kadib qoorta laga jaray Sarkaalkaasi.
Inkastoo aysan jirin wali war cad oo ku saabsan dilka Abuubakar Al-Zeylici, ayaa hadana waxaa la xaqiijiyay in Sarkaalkaasi lasoo taagay Maxkamad, lagu qaadayay danbiyada lagu eedeeyay.
Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad(Ibraahim Afghan) ayaa waxa ay si weyn isugu dhawaayeen Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane oo ay isku deegaan ahaayeen, balse labadaan Mas’uul ayaa in muddo ahba waxaa ka dhaxeeyay loolan dhinaca Mas’uuliyada iyo Hogaanka Al-shabaab ah, iyadoona tan iyo waxii ka danbeeyay markii Kooxda Al-shabaab ay cadeesay in ay ku biirtay Urur weynaha Al-Qaacida uu Ibraahim Afghan soo jeedinayay in Hogaanka Ururka Al-shabaab laga qaado Axmed Godane, isla markaana isaga loo dhiibo, si uu Godane ugu mid noqdo Xubno Al-Qaacida.
Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa jiray Khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, kuwaasi oo ay ugu horeeyaan Ibraahim Afghan, Mukhtaar Roobow, Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhinac ah iyo Axmed Godane oo garab kale ah, iyadoona ay taasi ka danbeeyay dilkii loo geystay Cumar Xamaami oo loo yaqaanay Abuu Mansuur Al-Amriiki.
Xasan Daahir Aweys, Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa iyagu kasoo baxsaday Howlgal Ciidamada u daacada ah Axmed Godane ay ku baadi goobayeen Saraakiishaasi, balse Ibraahim Afghan ayaa Howlgalkaasi lagu qabtay, iyadoona Maxkamadeentiisa kadib la sheegayo in qoorta laga jaray.

You must be logged in to post a comment Login