Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WAR CULUS: Warbaahinta taageerta Shabaab oo Xaqiijisay Dilka Ibraahim Afgan iyo Macalin Burhaan Shaaciyeyna inay dileen Hogaanka Al-shabaab

Qaar kamid ah Warbaahinta Xarakada Al-Shabaab ayaa shaaciyay in la dilay Kuxigeenkii Amiirka Al-Shabaab Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad (Ibrahin Afgan) sidoo kalana loo yaqaan Sheekh Abuubakar Al-Zaylici iyo sidoo kale Sheekh Cabdixamiid Xaashi Colhaye loona yaqaanay Sheekh Macalin Burhaan oo isna kamid ahaa saraakiisha sar sare ee Shabaab,
Websetka Somalimidnimo oo kamid ah Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa bogooda soo dhigay qoraal dheer ay kaga hadlayaan Dilka labadan Hogaamiye ay sheegeen in uu dulay Amiirka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr.

Warbixinta Boga Shabaab lagu qoray ayaa u qorneed sida tan.
Ilaahay ayaa Mahad iska leh Nabadgalyo iyo Naxariis Nabi Maxamed CS, korkiisa ha ahaato. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajacuun, Xasbunallah Wanicmal Wakiil.
Waxaan Idiin xaqiijinaynaa in ay Shahiideen Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaannay Sheekh Abuubakar Al-Zaylici iyo Sheekh Cabdixamiid Xaashi Colhaye loona yaqaanay Sheekh Macalin Burhaan, Raxmatullaahi Caleyhim!.

Yaa Xaqiijiyey Shahaadada Culimada?.
Galabnimadii Shalay oo Arbaca ahayd, June 26,2013 ayaa Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Shabeelada Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdallah Xiiraay iyo Masuuliyiin kale ay kulamo la qaateen Xaasaskii Labada Sheekh oo kiiba uu katagay 3 Xaas iyo dhowr iyo Toman Caruur ah. Waxayna Gabdhaha Muslimaadkaa u sheegeen in ay Asayda qaadaan waxayna u xaqiijiyeen in ay dileen Culimada.
Sidoo kale waxay la kulmeen Hooyadii dhashay Sheekh Shahiid C/xamiid Xaashi Colhaye oo Sheekh Macalin Burhaan loo yaqaanay, waxayna u sheegeen Wiilkeeda in ay dileen iskana samirto, waxaa sidoo kale Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Shabeelada Hoose iyo Masuuliyiin kale ay kulan la qaateen Culimada Rabaaniyiintaa oo ay u sheegeen in ay dileen Culimada.

Yaa Dilay?.

Walaalahaas Culimada ahaa ee aan Magacyadooda Idiin soo gudbinnay Shahaadadoodana aan Idiin xaqiijinayno waxaa dilay Amiirka Xarakada Al shabaab Almujaahidiin iyo Masuuliyiin kale waxay u dileen Ayagaa looga fadhiyaa iyo qaabkii uu u dhacay howlgalkii Magaalada Baraawe!.

Baaritaankii Golaha Baraarugga Islaamka!.

Waxaan Illaa Maalintii Arbacada ahayd Taariikhduna ku beegnayn Bisha June, 19, 2013 baaritaan kuwadnay howlgal Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ay ka sameeyeen Magaalada Baraawe, marar badan oo aan xiriir la samaynay waxay noosheegeen xattaa cid howlgalka kudhaawacantay in aysan jirin Walaalihii howlgalka lagu qabtayna Xabsiga la geeyey.

Beenta Ay Sheegeen Masuuliyiinta Xarakada Al shabaab.

Golaha Baraarugga Islaamka Walaalo kamida ayaa xiriir la sameeyey Warbaahinta Xarakada Al shabaab Almujaahidiin, Culimo, Ducaad iyo Dadweynaha Magaalada Baraawe waxayna dhammaan sheegeen Warkii Masuuliyiinta Xarakada Al shabaab ay u sheegeen oo ahaa in Xabsiga la geeyey Culimada ay xaqiijiyeen in ay dileen.
Sidoo kale intii aan baaritaanka wadnay waxaan xiriir la samaynay Culimada Maktabada Daarul Xadiith waxayna noosheegeen in Culimada la dilay Xabsiga lagu hayo oo sidaas waxaa u sheegay Masuuliyiin kamida Xarakada Al shabaab Almujaahidiin, mana jirto faah faahin ay ka bixiyeen sababta Beenta Culimada iyo Muslimiinta loogu sheegay iyo qaabkii loo dilay Culimada ama howlgalkii Baraawe uu u dhacay!.

Canbaarayn Dilka Culimada Iyo Cadayn Xarakada Al shabaab Hogaamiyaasheeda Laga Sugayo.

Waxaan Ba’ri kannahay Dilka Walaalaha Culimadaa ee Mujaahidiinta ahaa loo gaystay, waxaana canbaaraynaynaa dilkoos oo aan u Aragno dulmi.
Waxaan Culimada, Ducaadda, Hogaamiyaasha Xaraka Al shabaab oo uu ugu horeeyo Amiirka Xarakada Al shabaab Almujaahidiin ka doonaynaa in ay noo caddeeyaan sababta ay u dileen Culimada Mujaahidiintaa kuna banaysteen dhiigooda?.
Xafiiska Shabakadda somalinimo1.com
Muqdisho – Soomaaliya
info@somalinimo1.com

You must be logged in to post a comment Login