Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War deg deg ah: Dagaal Culus oo hadda socda & Madaafiic la is…

Order baclofen, order Zoloft.
Wararka aan goordhaw ka helnay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo wada jira iyo dagaalyahanada Al-Shabaab uu kasocdo Deegaano hoostaga Degmada Afgooye.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidamo katirsan Dowlada iyo kuwa AMISOM ay saakay ka baxeen degmada Afgooye ayna aadeen deegaano degmadaasi hoostaga oo gacanta ugu jiray Al-Shabaab, waxaana dagaal culus uu ka qarxay deegaanka Mareerey, waxana dagaalka la isku adeegsanayaa Madaafiic culus.

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM , ayaa kasii gudbay deegaanka Mareerey waxaana dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Al-Shabaab lasoo sheegayaa in uu kasocdo deegaanada Sabiib iyo Caanoole.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan u dhaxeeya Ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Al-Shabaab ee saakay ka bilowday deegaano hoostaga degmada Afgooye, Saraakiisha dowlada ayaana wali ka hadlin dagaalkan.

You must be logged in to post a comment Login