Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WAR DEG DEG AH: Duqeyn Culus oo caawa ku socoto Qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho

Duqeyn Culus oo Madaafiic ah ayaa caawa ku dhacday Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir ,iyadoona madaafiicda badi ay ku daateen xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Tiro madaafiic ah ayaa ku dhacday xaafado ku dhaw dhaw Xarunta Madxatooyada ee Villa Soomaaliya , Waxaa sidoo kale madaafiic ku dhaceen xaafado kuyaala Degmooyinka Xamar Weyne , Boondheere iyo Xamar Jajab.
Goob joogayaal ayaa kuwaramaya in madaafiic iyana kusoo dhaceen xaafado kamid ah Degmooyinka Hodan iyo Wadajir gaar ahaan meelo ku dhaw dhaw Zope iyo KM-4 , Dhawaqa Madaafiicda ayaana caawa si weyn looga maqlayaa Magaalada Muqdisho.
lama oga Madaafiicda caawa ku dhaceysa Magaalada Muqdisho halka laga soo tuurayo , waxaa sidoo kale aan la ogeyn in gudaha Madaxtooyada ay ku dhaceen Madaafiicda lagu soo garaacay Magaalada Muqdisho.
Wali lama hayo qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Madaafiicda caawa lagu garaacay Magaalada Muqdisho oo ah kuwa aad u tiro adan ,iyadoona caawa Muqdisho laga dareemayo qal qal dhinaca amaanka ah.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha Duqeyntan kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

You must be logged in to post a comment Login