Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WAR DEG DEG AH: Ku dhowaad 100 ruux oo lagu qabtay Cadaado

order clomid, order clomid.

Ciidamada Ammaanka Galmudug oo Maanta Howlgal ka sameeyay Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Cadaado ku soo qabtay Dad ku dhaw ilaa 100 Ruux.

Ciidamada Galmudug ayaa Howlgalo kala duwan oo Magaalada ay ka fuliyeen waxaa ay ku qabteen ilaa 86 Ruux oo Saraakiisha Maamulku ay sheegeen in ay issugu jiraan Al-shabaab iyo Tahriibeyaal.

Cumar Macali Cali oo ka mid ah Saraakiisha Galmudug ee jooga Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Dhalinyaradaan ay isugu jiraan Shabaab iyo kuwo kale oo doonayay in ay ka tahriibaan Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland.

Sidoo kale Sargaalka u hadlay Ciidanka Galmudug ayaa intaa ku daray in Baaritaan lagu hayo iyo kala Sooc intaba Dhalinyaradaan Gacanta lagu dhigay.

Hayeeshee ma cadda sida ay Galmudug ka yeeli doonto 86 Ruux ee ay sheegeen in ay isugu jiraan Shabaab iyo Tahriibeyaal.

You must be logged in to post a comment Login