Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray Weerarkii Naasa-hablood

Apcalis SX no rx, purchase clomid. Caverta buy online, generic clomid. Eriacta without prescription, buy dapoxetine online.
Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa goor dhow oo caawa ah shaaciyey iney soo afjareen weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo galabta xoogag taabacsan Al-shabaab ku galeen hotelka Naasa hablood oo ku yaalla agagaarka isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u xaqiijyey iney la dilay dhamaaan kooxihii weerarka soo qaaday, ayna hotelka gacanta ku hayaan ciidamada amaanka.

Cabdifataax Cumar Xalane waxaa uu intaas ku daray iney ku mashquulsan yihiin qiimeynta khasaaraha ka dhashay weerarkan oo socday galabta illaa caawa fiidnimdii hore.

Xaalada Hotelka Naasa-hablood ayaa xiligan degan mana jiraan wax rasaas iyo qaraxyo ah oo la maqlay tan iyo salaadii cishaha ka dib xiliga Muqdisho.

Dhinaca kale Shaqaale ka tirsan idaacadda goob joog ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka galabta ka dhacay Naasa hablood.

Shaqaalaha geeriyooday ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Gaani Axmed Cabdulle, Max’ed Nuur Daahir iyo Sahal Ibraahim Fanax, waxayna ilaalo ka ahaayeen gaari ay leedahay idaacadda oo ku sugnaa hotelka.

Sidoo kale, Mid ka mid ah dhaqaatiirta magaalada Muqdisho oo magaciisa la oran jiray Ducaale Shahiid ayaa ka mid ahaa dadka weerarkan ku dhintay kaasoo sidoo kale ka mid aha bahda jaamacada Banaadir.

Aabihiis Dr. Shahiid oo ahaa dhaqtar caan ah kana mid ahaa asaasayaasha Jaamacada Banaadir ayaa isna ka mid ahaa dadkii ku naf waayey qaraxii ka dhacay sanado ka hor Hotelka Shamo.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa la runeysan yahay iney ku dhintay weerarkan inta laa xaqiijyey halka tiro kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

You must be logged in to post a comment Login