Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War deg deg: Dhegayso” md. Indhosheel Qorshaha Hada & Been Abuurkii “Xasasi

Dec 1, 2013 – 8 Jawaabood

Taleex. Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Maxamed Yusuf Indhosheel ayaa waxuu Si Faah Faahsan uga hadlay Arimo Badan oo Bulshada Soomaaliyeed u Dhegtaagaysay & Hadalkii Been Abuurka Ahaa ee Kasoo Baxay Maamulka Faroole.
HALKAN dhegayso WARAYSI

Madaxweynaha Khaatumo Maxamed Yusuf Indhosheel ayaa waxaa uu Runta Ka Sheegay Qaabkii Ay Wax Uga Dhaceen Gobolka Sool, Shirkii Ay Usocdeen, Habkii Jidka loogu Galay, Qorshaha Laga Damacsanaa & Sidoo kale Xasuuqii Laga Gaystay Taleex.

Sidoo kale Madaxweyne Indhosheel oo ka hadlayay sababaha Maamulka Puntland ay u so weerareen taleex ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda ka talisa Maamulka Puntland aysan doonayn doorasho ka dhacda Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Khaatumo oo ka hadlayay halka uu ku danbeyn doono shirkii khaatumo ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi ka dhici doono Bartamaha Magaalada Taleex, Qorsha Difaaca ee Maamul iyo Shacaba iyo Sida laysaga Dhicin Doono Codowga Duulaanka Ku Ah Umada Khaatumo.

You must be logged in to post a comment Login