Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War Deg deg:Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Shan qof ayaa ku dhimatay tiro kalana way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay waddada isku xirta isgoyska ‘KM 4’ iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lagu fuliyay baabuur waxlxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof isa-soo miidaamiyay kaasoo lala eegtay gaari ay saarnayeen ciidanka nabad ilaalinta AMISOM, walow aysan waxyeello soo gaarin ciidankaasi.

Shanta qof ee ku dhimatay qaraxa ayaa kala ah afar qof oo rayid ah iyo qofkii ismiidaamiyay.

ciidamada dowladda oo goobta soo gaaray ayaa billaabay baaritaanno kuwaasoo isku gadaamay goobta uu qaraxo ka dhacay.

Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo lagu adkeynayo ammaanka ka wadeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login