Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War yaab leh oo kasoo yeeray madaxweynaha Kenya: Al-Shabab kama dambeyn weeraradii ka dhacay wadankeena

Isagoo la hadlaayay Saxaafadda ayuu sheegay in weerarradii labadii habeen ee la soo dhaafay ka dhacay Kenya ay ka dambyaan kooxo siyaasiyiin ah.

Wuxuu sheegay in marnaba aaney yeeli doonin in la laayo shacabka dalka Kenya wuxuuna sheegay in jawaab degdeg ah ay ka bixin doonaan weerarradaas soo noqnoqday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in saraakiil badan loo eryay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka kuwaasoo mas’uul ka ahaa weerarrada ka dhacay dalka Kenya.

Dhinaca kale, kooxaha mucaaradka ayaa iska fogeeyay eedeeha ka soo yeeray madaxweyne Kenyatta waxaana ay sheegeen dowladda in ay gabtay mas’uuliyadda weeradda.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarrada labadii habeen ee la soo dhaafay ka dhacay dalka Kenya.

in ka badan 52 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weerarrada ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan deeganka Mbakatoni ee u dhow jasiiradda Laamuu.

Halkan ka daawo khudbadda Uhurru Kenyatta


 

SomaliMedia Online

paroxetine no rx, purchase dapoxetine. Xafiiska Wararka NairobiKenya

You must be logged in to post a comment Login