Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Afduubkii loo geysay Sakariye Ismaaciil & Saraakiil ka tirsanaa DF

Filed under: Wararka |

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa afduubkii loo geystay Saraakiil ka tirsan Ciidamada DF Somalia iyo Madaxii Maleeshiyada Alshabaab u qaabilsanaa Sirdoonka Geeska Africa Zakariye Ismaaciil Xersi.

Afduubka Zakariye iyo Saraakiisha ayaa waxa uu dhacay xili loosii waday Magaalada Wajeer ee dalka Kenya si diyaarad halkaasi looga saaro, ayaa xilli la maraayo Ceelwaaq Kenya waxaa gacan ku haynta Zakariye la wareegay ciidamada Kenya.

Wararka ayaa intaasi ku daraayo in Zakariye ay la socdeen xilliga ay la wareegayeen ciidamada Kenya sideed Sarkaal oo uu ku jiro Col. Cabaas Gureey.

Wararku waxa ay sheegayaan in Saddex kamid ah Saraakiishaasi Soomaalida ahaa ay diideen inay ka haraan Zakariye, waxaana ku jiray Saraakiishaasi Col. Cabaas Gureey iyo labo sarkaal oo kale oo dhanka Nairobi u raacay Sarkaal Zakariye.

Ciidamada Kenya ayaa waxa ay afduubkaasi u adeegsanayaan qaab awood ay ku jirto waxa ayna sidaa ku kaxeysteen Saraakiisha ciidanka dowladda 3-kamid ah iyo Zakariye Ismaaciil.

Dhanka kale, Afduubka ayaa waxaa xaqiijiyay Cornel Cabaas Ibraahin Gureeey oo ah Taliyaha Ciidamada Milatariga Gobolka Gedo oo kamid ahaa Saraakiishii raacday Sakariye ayaa isaga oo ku sugan Nairobi noo Xaqiijiyay in Sakariye la geeyay Nairobi, inkastoo uusan faah faahin dheeraad ah na siin Cornelka.

DF Somalia wali wax war ah kama soo saarin Arrinta Sakariye oo ah in Sirdoonka Kenya ay Nairobi geeyeen.

Posted by on December 30, 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

3 Responses to Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Afduubkii loo geysay Sakariye Ismaaciil & Saraakiil ka tirsanaa DF

Leave a Reply