Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warar dheeraad ah oo ku Saabsan Weerarkii Al-shabaab ay ku Qaadday Baarlamaanka (SAWIRRO)

order Erectalis online, zithromax reviews. 2014524635365371204548772howl-gal-barlaman-17

2014524635365378738096381howl-gal-barlaman-18

2014524635365378142251363howl-gal-barlaman-15

2014524635365377886236108howl-gal-barlaman-14

2014524635365377534018063howl-gal-barlaman-12

2014524635365377127450181howl-gal-barlaman-13

2014524635365375266958723howl-gal-barlaman-9

2014524635365373370440615howl-gal-barlaman-22014524635365371204548772howl-gal-barlaman-17-1 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaarihii ka dhashay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday maanta xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo dhimashada ay haatan marayso 15-qof, dhaawucuna uu ka badan yahay 30-qof.
Saddex xildhibaan oo ka mid ah kuwa baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerarkaas ku dhaawacmay, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalka AMISOM ee Muqdisho, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ciidammo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM iyo dad shacab ah.

Maydadka toddoba ka mid ah dagaalyahannadii Al-shabaab ayay soo bandhigtay dowladda Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen kuwii weeraray xarunta baarlamaanka, waxaana dhammaantood ay xirnaayeen dharka ciidamada xoogga dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo galabta tagay xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa amar ku siiyay ciidamada dowladda federaalka inay qaadaan weerar ka dhan ah Al-shabaab, isagoo sheegay in loo baahan yahay in Al-shabaab la tir-tiro.

“Ciidamada xoogga dalka waxaan farayaa inay dhaqaaqaan oo ay Al-shabaab cagta mariyaan, waayo waa cadow doonaya inay shacabkeenna laayaan,” ayuu yiri C/weli Sheekh oo intaas ku daray in xukuumadda ay ka go’an tahay inay cagta mariso Al-shabaab.

Dhaawacyada askar fara badan oo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa la dhigay isbitaallada Muqdisho, kuwaasoo ku dhaawacmay weerarka, inkastoo aan la sheegin dhimasho soo gaartay ciidamada AMISOM.

Xarakada Al-shababa ayaa sheegay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo weerarkan ay si adag u cambaareeyeen UN-ka, Midowga Afrika iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Weerarka ayaa sababay burbur xooggan oo soo gaaray xarunta baarlamaanka oo uu dibaddeeda iyo gudaheedu ka dhaceen iska-horimaadyo u dhexeeyay ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo xoogaggii Al-shabaab ee weerarkan soo qaaday.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2014/May/wararka_maanta24-46726.htm#sthash.3BrRjBBU.dpuf

You must be logged in to post a comment Login