Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warar sheegaya in Ra’isul Wasaare Dr Saacid uu ka baaqday safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo

Warar goordhow kusoo dhacay Warqabadka somalinimo1.com ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dib udhac uu kuyimid safar lafilayay in ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu ku yimaado magaaladaas Kismaayo.

Baaqshada Ra’isul wasaaraha ayaa lasoo sheegayaa inay ka danbaysay kadib markii ay magaalada Muqdisho yimaadeen wafuud caalami ah kuwaas oo uu kulamo la qaadan doono.

“Ra’isul wasaaraha waa baaqday maxaa yeelay madaxweynaha ayaa safar dhanka dalka Qatar ah aadaya, gudoomiyaha barlamaankana Muqdisho ma joogo sidaa darteed waa uu baajiyay safarkiisii Kismaayo” ayuu sheegay xubin katirsan xafiiska Ra’isul Wasaaraha

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in ra’isul wasaaraha uu maalmahan soo aadan tagi doono Kismaayo halkii la filayay in maanta uu tago.

Dad badan ayaa kusugan garoonka diyaaradaha Kismaayo kuwaas oo doonaya inay soo dhaweeyaan ra’isul wasaare Dr Saacid oo wafdi isaga hordhac u ahaa ay gaareen magaalada Kismaayo.

Wararkii soo kordha dib kala soco somalinimo1.com Insha Allah

You must be logged in to post a comment Login