Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warar Sheegaya in Uu Is casilaad Ku Dhawaaqayo R/Wasaare Saacid iyo Kulankii Baarlamanka oo Socda.

Written by Maamul on 01 December 2013.

somalimemo.netMaalintii 2-aad ayay xildhibaanada baarlamanka DF-ka kulan ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyagoo gorfeynaya mustaqbalka siyaasadeed ee Saacid Shirdoon oo R/wasaare ku magacaaban.

Boqolaal katirsan xildhibaanada baarlamanka oo lakala safan mas’uuliyiinta dowladda ee is khilaafsan ayaa kulanka goob joog ka ah sida qorshuhu yahay waxaa maanta laga doodayaa mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.

Warar lagasoo xigtay saraakiil katirsan Villa Somalia ayaa sheegaya in Saacid uu baarlamanka hortagi doono kadibna uu halkaasi iscasilaad uga dhawaaqi doono.

Warar kale ayaa sheegaya in Shirdoon uu baarlamaanka ka hor akhrin doono waxqabadka xukuumaddiisa,saxafiyiin ku sugan madasha shirka baarlamanka ayaa soo sheegaya in saansaanta muuqata ay tahay in codka kalsoonida ay weyn doonto xukuumadda.

Haddii Saacid ku adkeysto isdifaacid wuxuu naqan doonaan R/wasaarihii ugu horreeyay ee kalsoonida waaya ee madaxweyne uusan dib usoo magacaabin marka dib loo milicsado taariikhda Madoow ee Dowlada Federaalka.

Sanaddii 2004 baarlamankii DKMG-ka ayaa kalsoonida kala laabtay Cali Geedi balse Col.Yuusuf ayaa markale dib usoo magacaabay.

You must be logged in to post a comment Login