Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wararkii ugu dambeeyay ee Weerarkii Al-shabaab ku qaaden Jeelka Bosaso

09/11/2013
Kooxo hubaysan ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday jeelka wayn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari .

Taliyaha xabsiga la weeraray Shire Siciid Maxamed oo lahadlay warbaahinta qaybteed ayaa sheegay in weerarki xalay lagu qaaday jeelka Boosaaso ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo tiradooda uu ku sheegay inta u dhexeysa 60-70 qof.

Kooxda weerarkaas geysatey ayuu Taliye Shire sheegay in ay lugeynayeen, islamarkaana ay aad u hubeysnayeen isagoo intaasi raaciyey in xabsiga ay afarta dhinac rasaas kaga fureen balse ay iska caabiyeen .

Khasaaraha dhinacooda soo gaaray ayuu ku tilmaamay in askari iyo taliye xigeenki jeelka ay dhinteen,halka laba kale oo isugu uu kujirana dhaawac fudud uu soo gaaray.

Weerarkaan ayaa waxa masuuliyadeeda sheegtay Xarakada Al-shabaab oo kadagaalama qaybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login