Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wararkii ugu dambeeyay xiisado ka taagan Num-50 iyo barakac ka socda deegaanka

dagaaldagaalka

dagaalXiisad ayaa ka taagan deegaanka Num-50 ee Gobalka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada lakala safan beelaha ku dagaalamaya Gobalka Shabeelaha hoose.

Deegaanka Num-50 ioo ay saaka gudaha ugaleen maleeshiyo hubaysan oo la wareegay deegaankaasi ayaa weli waxa ay ku sugan yihiin, halkaasi.

Waxaa deegaanka ka socda barakac xoogan oo ay dadkii magaalada isaga baxeen, maadaama ay ka cabsi qabaan in dagaalka uu saameyn ku yeesho.

Ciidankii Magaalada saaka laga qabsaday, ayaa waxa ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu halkaasi ka dhaco, maadaama beelaha wada dagaalamaya ciidankooda ay isku muuqdaan.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa sheeda ka daawanaya dagaalada iyo xiisadaha culus ee ka taagan Gobalkaasi, mana jirto ficilo ay muujinayaan oo ku aadan kala dhexgelida dagaaladaasi.

Dhanka kale xaalada deeganada Janaale, Ceelwareegoow iyo Busleey ayaa dagan, inkastoo ay jirto cabsi ku aadan in dagal uu halkaasi ka qarxo.

Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal beeleedyada ka socda Gobalka Shabeelaha hoose

You must be logged in to post a comment Login