Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in markale xalay diyaarado dagaal ay duqeyn xoogan ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi oo hoostaga K/Galbeed.
Duqeynta oo ka dhacday deegaanada Garasweyne, Abag-beeday, Gobid-Galoole iyo Moorogaabey ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin tiradooda.
Wa markii labaad oo duqeymo diyaaradeed laga fulinayo duleedka Xudur, si go’doonka looga qaado degmadaasi oo ay isku hareereeyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
You must be logged in to post a comment Login