Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixin: Dowladda Soomaaliya oo albaabo badan kasoo xirtay Maamulka Somaliland (Xog)

Wararka aan ka heleyno dhanka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegaya in Dowladda ay xirtay Xiriiro badan oo ay Maamulka Somaliland la lahaayeen Dowladaha Caalamka.

Dowladda ayaa waxa ay warqado u dirtay Dowlado ay kamid yihiin Faransiiska,Britain, Maraykanka,Kenya,Swedan iyo kuwa kale, waxa ayna kuwar galisay in wax waliba ee Ku seeya Arrimaha Somalia lagala xaajoogo Xukuumadda Somalia oo aan la garab marin Hanaanka Siyaasadeed oo ay iminka Hirgalineyso Xukuumadda.

Dowladda ayaa waxa ay horay Warqado lagu xiraayo Xiriirka Maamulka Somaliland kala dhexeeyo Dowladaha Caalamka u dirtay Kenya, Ethiopia iyo Dowladda Djibouti, waxaana iminka bilowday Dadaalada ay Xukuumadahaasi kusoo afjari lahaayeen Xiriirka kala dhexeeya Somaliland.

Dowladda ayaa waxa ay sidoo kale, wadaa dadaalo lagu xiraayo Xarun yar oo ay Maamulka Somaliland Safaarad ahaan uga furteen Magaallada Addis Ababa ee Ethiopia, waxa ayna Dowladda Ethiopia wadaa Dadaalka ay Safaaradaasi ku xiri laheyd, iyadoona adeegsaneysa Shuruucda u degsan Ururka Midowga Africa.

Sidoo kale, QM,Britain iyo Maraykanka, ayaa waxa ay horay Qoraalo ugu direen Safaaradaha ugu muhiimsan Caalamka gaar ahaa Dowladaha Deeq bixiyayaasha iyagoona kuwar galiyay inay la tacaamulaan Dowladda Somalia oo iminka laga aqoonsaday Caalamka, waxa ayna cod dheer ku baahiyeen in lagu jiro xilliga la taageeri lahaa Midnimada Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dadaalka Xukuumadda Somalia, ayaa waxaa durbadiiba hirgaliyay Dowladda Faransiiska oo iyadu mamnuucday in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland ka qeybgalaan shir dalkaasi ka dhacaaya oo looga arinsanaayo Arrimaha Burcad-badeedka waxaana Mas’uuli yiintaasi lagu xujeeyay inay marka horeqaatan Baasaboor Soomali ah.

You must be logged in to post a comment Login