Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WARBIXIN: SABABTA HUBKA AY U QAATEEN CIIDANKA TARAAFIKADA MUQDISHO

somalia-traffic-police-620x330-90x75

Taraafiko Adduunka oo Dhan wa ay ka Jirtaa, waxaa ay Taarifkadu qabataa Shaqo ahaan ku Ilaalinta Gaadiidka, Sharciyada Marista Wadooyinka, Shilalka oo ay Xisaabiyaan una Gar naqaan. 

Waxaa kale oo ka mid ah Shaqada Taraafikada, in ay Bixiso Sharciga Kaxeynta Gaadiidka, Muqdisho waxaa ay ka mid tahay Goobaha ay soo Laabteen inta Badan Adeegyadoodii, dhanka Taarfikada waxa aad ku Arkeysaa Mararka qaar iyagoo Isgoysyada Caasimadda intooda Badan. 

Iyadoo taasi ay Jirto Hadana waxaa Jira in Ciidamadaas aan lagu qadarin Howsha ay Hayaan ee Qorax Joogga u Badan, Taraafikada Caasimaddu hadda waa ay Hubeysantahay intooda Badan, kuwa kalena waxaa sii Ilaaliya Ciidamo Boolis ah. 

“Sababta Hubeysay Taraafikada Muqdisho”

Sababta ayaa ah Ciidamadaas waa la Dilaa Weliba in ka Badan kuwa kale, hadii aysan Helin Cid Amaankooda Ilaalisa ama Hub ay iyagu isku Ilaaliyaan. 

Ilaa 5 Askari ayaa laga dilay Ciidamada Tarafikada, Bishii Ramadaan oo kaliya, Xilligaas waxaa ay Dowladdu ku Dhawaaqday Olole ay ugu Magac Dartay “Nabad ku Afura” kaasoo aan Noqon mid u Hirgalay sida uu Magaciisu yahay, Magaaladana lagu Dilay ugu yaraan 40 qof oo u Badnaa Xubno ka Tirsanaa Dowladda. 

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay dhamaan Weerarada lagu Dilay dad isugu Jiray Xildhibaanno, Taraafiko, Sarakiil Ciidan, Ganacsato iyo Dad Shacab ah oo Caasimadda ka dhacay Bishii Ramadaan ee Barakeysneed. 

Taraafikada ayaa ku Qasbanaaday in ay Amaankooda iyagu Sugtaan, Ciidamada Tarafikada ee meel Kasta oo Muqdisho ka mid ah Jooga ayaa waxaa ay Yihiin kuwo Hubeysan ama leh Ilaalo u Gaar ah. 

“Burburkii Kedib”

Muqdisho kama aysan Jirin Ciidamo Taraafiko ah oo waxaa ay la Burbureen Dowladdii Meletariga, hase ahaatee waxaa ay soo Laabatay Markii ay Dowladdii KMG aheyd ee tan ka Horeysay Dalka ka Arimineysay. 

Waxaa ay Ciidamadaas soo Kordhiyeen Waxyaabo Badan oo aysan inta Badan Darawallada Kaxeeya Gaadiidku Aqoon u laheyn, Waxaa ay Ciidamadaasi Billaabeen in aysan u Ogolaan Gaadiidleydu Dhigan Jireen Goobo aan Baakin ahayn, in Gaadiidka Meelaha qar lagu Kaxeeyo Xowli, in Marka meel Leexad ah ay soo gaaraan in ay Shidaan Digniinta Geeska ay u Leexanayaan Muujineysa, in ay u Hogaansamaan Digniinaha uu Muujinayo Samaafaraha Wadooyinka, in ay ugu yaraan Joogsadaan Marka ay Maqlaan Seeriga (Firinbiga) uu Askarigu Yeeriyo iyo Waxyaabo kale oo Badan. 

“Taraafikada Xilligii Kacaanka’’ order Zenegra online cheap, dapoxetine reviews.

Iska daa Taraafikadee, Ciidamada Boolisku intooda Badan ma aysan Hubeysneyn Waqtigii Dowladdii Kacaanku Dalka Joogtay, waayo Amaanka ayaa ahaa mid si Fiican looga Shaqeeyay, Halka dadkuna ay u Hogaansanaayeen Amarrada Dowladda oo laga Nasahnaa Diidmada Amarrada Dowladda. 

Taraafikada Maanta waxa ku Qasbaya in ay Hub Qaataan, Gaadiidleyda oo aan Amar qaadan, Amaankooda oo aan ahayn mid Sugan iyo Arrimo kale oo is Biirsaday. 

Ciidanka Wadooyinka ee hadda Shaqeeya waxaa ay Shaqada ku Billabeen waqtigii Dowladaha KMG joogeen, in ay Gaadiidleyda la Saaxiibaan oo ay sidaa waxyaabo yar yar uga Gacan Balaqsadaan si ay ugu Noolaadaan. 

Hadda Ciidamada Taraafikadu waa Cudud Muuqata, waxaa ay Dhisteen Xaruntoodii hore ee Fisha Taraafiko ee Muqdisho, waxaa ay Jaraan Ruqsada Gaadiid Kaxeynta waxaa ay Dhaqaale Fiican ka Helaan Gaadiidka ay Ruqsadaha iyo Taargooyinka u Jarayaan. 

Hadii ay Horay ugu Gacan Hoorsan Jireen Gaadiidleyda, Hadda Askari Walba oo ka mid ah waa Mushaari, waxaa uu Sugtaa waxa uu Xaqa u Leeyahay oo ay Madaxda Taraafikadu siiso, Xataa kuwii ku Dhintay Muqdisho Waqtiga ay Taraafikadu Shaqeyneyso kedib Kacaankii waxaa loo Qoray Reerahooda qidmad ay Bishiiba doontaan si ay Ubadkoodii Waxbarashada iyo Nolosha kaleba uga Deberaan. 

Hadda Dhibka ugu Badan Ciidamada Shaqeeya ee Taraafikadu waxaa ay kala Kulmaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Nabad Ilaalinta u Jooga Dalka ee AMSOM, kuwaa oo aan u Hogaansamin Amarradooda, Mararka qaarkood waxaa ay Rasaas ku Furaan dadka ka ag Dhow Goobaha ay Marayaan oo Taraafikadu ka mid tahay, Shilalka ay Geystaana meel ay ka Raad raacaan ma Helaan oo lagama Tala Geliyo.

You must be logged in to post a comment Login