Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WARBIXIN XASAASI AH: Al-Shabaab iyo kooxda ADF oo Xariir toos ah sameeyay

Warar laga helay soohdinta waddamada Uganda iyo Jamhuurida dimuquraadiga Koongo ayaa sheegaya in Ururka Al-Shabaab ay xulufo la sameesatay kooxda ADF oo koox ka dagaalanta halkaas.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen dagaal yahano ku hadlaya afka luuqada oo ku sugan halkaas, kuwaasoo ka qayb qaatay dagaal toddobaadkan ka dhacay dalka Jamhuurida dimuquraadiga Kongo.
Kooxda ADF, maxay yihiin?
Kooxdan waxa ay markii horre ka unkameen dalka Uganda, waxaana ay ahaayeen koox jabhad ah oo dagaal kula jirta madaxweynaha Uganda Yuweri Musafani.
Waxaa aas-aasay Jamiil Malakah oo Islaamay, wuxuuna la dagaalamay ninkan dowladda Uganda, wuxuuna dabadeed u tallaabay waddamada dariska.
Kooxda ADF, ayaa la sheegay in ay xiriir la sameesay ururka Al-Shabaab, waxaana ay billowday in ay dagaal yahano ka soo wadato dalka Soomaaliya.
Dad ku nool dalka Jamhuuriyada Dimuquraadiga Kongo ayaa sheegay in sheegay in ay dad badan ka barakaceen xadka DR-Congo iyo dalka Uganda.
Waxaa tiradooda lagu sheegay kooxdan 1,300 oo dagaal yahan, waxaana ay ka dhisan yihiin soohdinta labada waddan.
Waddamada Uganda iyo Jamhuuriyda Dimuquraadiga Kongo ayaa horrey u sheegay in Al-Shabaab ay dhaqdhaqaaq ka wado waddamada harooyinka.
Al-Shabaab ayaa sannadkii 2010-ka, waxa ay weerar ka geesatay makhaayado ku yaalla magaalada Kampala ee caasimada Uganda, waxaana ku dhintay weerarkaas in ka badan 70-qof.
Al-Shabaab waxa ay horrey xiriir ula sameesatay kooxo Islaami ah oo ka dhisan dalka Kenya.

You must be logged in to post a comment Login