Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wariye Caan ah oo loo magacaabay Afhayeenka xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

In kastoo aysan la yaab ahayn in wariye Soomaaliyeed uu dhanka siyaasadda ku biiro ayaa hadana waxaa maanta soo baxday wareegto wariye Soomaaliyeed loogu magacaabay Afhayeenka xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ridwaan Xaaji C/weli oo aad ay u yaqaanaan Soomaalida wax dhageysata iyo kuwa wax daawada ayaa waxaa maanta si rasmi ah loogu magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeyay xafiiskaasi uu Afhayeen ka yahay Ridwaan.
Ridwaan ayaa ah nin maalmahaan oo dhan la saadaalinaayay inuu noqdo Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, waxaana taasi ay keenatay in ugu dambeen laga dhigo.

somalinimo1.com
Muqdisho, Somalia
info@somalinimo1.com

You must be logged in to post a comment Login