Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wariye Cowke oo isagoo xanaaqsan jawaab qosol leh ka bixiyey been laga faafiyey

Wariyaha caanka ah Axmed Xasan Cowke oo Shabakada Wararka kaartoole ay la xidhiidhay si ay wax uga weydiiso Qaar kamid ah Websiteyada ay baahiyay war ay ku sheegayaan in Wariyaha caanka ah ee Axmed Xasan Cowke gabadh uu dhaley oo magaceeda lagu sheegay Nimco ay noqotey Wakhtigan fanaanad,ayaa Wariye Axmed Xasan Cowke guud ahaanba warkaasi ku sheegay in aanay waxba ka jirin isagoo xusey in uu ixtiraam weyn u hayo guud ahaanba bahda fanka ee Soomaaliyeed.

Wariyaha caanka ah Axmed Xasan Cowke oo Shabakada Wararka Kaartoole.com la xidhiidhay si ay wax uga weydiiso warkaasi ayaa sheegay in uu ixtiraam badan u hayo guud ahaanba bahda fanka Soomaaliyeed islamarkaana, uu jecel yahey asal ahaanba fanka haseyeeshee aanay waxba ka jrin in gabadh uu dhaley oo lagu sheegay in ay ku sugan tahey Wadanka Swden ay wakhtigan noqotey fanaanad,

waxa uu Wariyaha ruug cadaaga ah ee Axmed Xasan Cowke sheegay in aaney jirin habayaraatee gabadh uu dhaley oo ku sugan dalkaasi Sweden Gabadha uu dhaley iyo caruurtiisa kalena ay k sugan yihiin London,Waxaanu carabka ku dhuftey in caruurtiisu intooda badani ay ku fiican yihiin diinta oo aanay sidiisa oo kale fanka uba jeclayn.

Gabagabadiina waxa uu Axmed Xasan Cowke tilmaan kooban ka bixiyay in aaney gabi ahaanba ceeb aheyn hadii ay wax jira sheegaan dhalinyarada wararka been abuurka ah ku dewgdegayaa laakiin wax aan jirin hadii ay sidan oo kale u sheegaan ay noqoneyso wax iyaga dib ugu noqonaya oo Sumcad dil ku ah isagoo si kooban uga dardaarey mustaqbalkooda in ay ka ilaaliyaan wixii been abuur ah rajo fiican iyo hurumarna uu u rajeynayo isagoo,ku gaabsadey in aanu habayaraatee,garan karin sababta looga jeeday warkaasi been abuurka ah. buy Super Kamagra, cheap zithromax.

You must be logged in to post a comment Login